Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyayaal xalay lagu garaacay magaalada Muqdisho, Sida aan ogaaney waxa ay gaarayaan hoobiyeyaasha lasoo ganey toban hoobiye. Weerarkan ayaa sababay khasaare kala duwan oo soo gaaray dad rayid ah iyo burbur hantiyadeed.Inkasto oon dhab loo ogayn khaasaaraha rasmiga ah
Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay in lagu garaacay xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada, waxaana inta badan bartilmaameed looga dhigay goobo ay dadku ku badan yihiin. Ilo-wareedyo amni oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in hoobiyeyaashu ku dhaceen agagaarka degmada Warta Nabadda iyo degmada Xamar Jajab, halkaas oo ay jiraan dad dhaawacmay iyo qaar kale oo ku geeriyooday.
Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa si degdeg ah u bilaabay howlgallo ay ku raadinayaan kooxaha ka dambeeyay weerarka, kuwaas oo sida caadada ah ka tirsan Al-Shabaab, oo marar badan weerarro hoobiyeyaal ah ka geysatay magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa loo arkaa inay weeraradan ku beegsanayaan goobaha muhiimka ah ee caasimadda si ay u fidiyaan cabsi iyo amni-darro.