Soomaali lagu dilay weerar ka dhacay Masaajiddo ku yaal New Zealand

Labo Masaajid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand ayaa dablay hubaysan ay weerareen, ayadoo lagu jiro xiliga salaada Jimcaha,waxaana la sheegay in ay weerarkaas ku dhinteen dad badan oo ku dukanayay Masaajidadas oo iskugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyootay Masaajidada la weeraray 49-qof oo ay ku jiraan dad Somali ah,kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Shiiq Nuur Muuse Cawaale oo ahaa macalin dugsi qura’an,Shiiq C/qaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaaladdii Biyaha Soomaaliya,Aadan Diiriye iyo wiil 6-sano jir ah oo uu dhalay laguna magacaabi jiray C/llaahi Aadan Diiriye waxaana ay ka mid ahaayeen dadka ku dukanayay masaajidada weeraradu ay ka dhaceen.

Booliiska ayaa guud ahaanba magaalada Bandow kusoo rogay waxaan la xirey Schoolada. Dad badan ayaa dareemay cabsi la xariirta arinkan waxaana booliska iyo hayadaha amniga ay baaritaano ugu jiraan raggii dableyda ahaa ee falkaasi ka dambeyey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media