Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdullaahi Abusite welina ku sugan Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxa Hotelka uu ka degan yahay Dubai ku soo booqday ganacsato waa weyn oo danaynaya inay maalgashadaan Somaliland.
Kulankan Madaxweyne ku xigeenku uu la qaatay ganacsatada ku soo booqatay hotelka uu degan yahay ayaa ujeedkiisu daaranaa sidii ay qayb uga noqon lahayaeen horumarka ka socda Somaliland gaar ahaan dhinaca maalgelinta iyo horumairnta dhaqaalaha dhan walba la xiriira.
Waxaanay ganacsatadaasi u soo bandhigeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland inay danaynayaan inay maalgelin ku sameeyaan dhinaca Beeraha, Dalxiiska, wershadaha iyo inay ka sameeyaan gudaha Hotello waa weyn oo casri ah,.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxman Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo ganacsatada uga mahadnaqay sida ay u danaynayaan Somaliland inay maalgelin ku sameeyaan ayaa ugu horayn ku marti-qaaday ganacsatadaasi inay dalka yimaadaan oo ay soo indho indheeyaan horumarka iyo dedaalada maalgelineed ee ka jira Jmahuuriyadda Somaliland,.
Gebegabadii kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday isfahan iyo xiriir wanaagsan oo dhexmara ganacsatadaa caalamiga ah iyo Somaliland.