Sawirro:-Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo Shir Caalami ah uga qeyb galay Ruushka

Hantidhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamud Cali oo ka qeyblaya shirka INCOSAI 2019 ee ka dhacaya dalka Ruushka ayaa warbixin kooban oo uu bixiyey ku sheegay in Soomaaliya ay sannadkan 2019 qaadatey habraaca baarista casriga ah oo ay Hantidhowrada Adduunku ku dhaqmaan (ISSAI standards).

Wuxuu kaloo Hantidhowruhu sheegay in XHGQ kala shaqeeyey Wasaaradda Maaliyadda qaadashada & ku dhaqanka habraaca warbixin Maaliyadeedka loo yaqaan (IPSAS Cash Based). Waa guul usoo hoyatey Soomaaliya oo la doonayo in horey loo sii dhaqaajiyo.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatey dhiggiisa waddamada Turkey, Finland, UAE, KSA, & hay’adaha AFROSAI-E & ARABOSAI oo ay Soomaaliya xubin nimadeeda dib usoo ceshatey, isagoo kala hadley sidii loo xoojin lahaa iskaashiga & taagerada xirfadda farsamo oo ay wadaagaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media