Maamulka Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta keentay Go’aankii ay laanta Afka Soomaaliga ah ee Idaacadda BBC-da deegaanadooda uga mamnuuceen maalmo kahor, iyagoona ku caddeeyay War-saxaafadeed kasoo baxay.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleymaan Yuusuf Cali Koore ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in BBC-da ay 11 July 2022 Wasaaradda Warfaafinta u soo qoratay Codsi ay ku dooneysay in xuska 65 guurada BBC ku qabsdaan Magaalada Hargeysa, lagana ogolaaday Codsi uga yimid Idaacadda.
Somaliland ayaa sheegtay in Codsiga kadib uu Madaxa laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Muxyadiin Rooble uu kusoo wargeliyay Somaliland inay baajiyeen xuskii ay doonayeen inay ku qabsadaan Hargeysa sababo amni dartood, taasi oo uu Maamulka ku tilmaamay meel ka dhac, dacayadna ku ah ammaanka Somaliland.
Wasiir Saleymaan Koore ayaa BBC-da ku eedeeyay in baryihii dambe ay lumisay dhex-dhexaadnimadii wararka iyo barnaamijyada ku saabsan Arrimaha Somaliland, isla markaana aysan ahmiyad siinin wararka guulaha iyo dhacdooyinka waaweyn ee Somaliland.
Sidoo kale waxaa uu Wasiirka ku eedeeyay BBC inay dacaayado ka sameeyan oo ay ku jees-jeesaan maalmaha xusaska Somaliland sida 18 May iyo xusaska kale, iyagoona intaas kusii daray inay dacayaad ka sameeyaan safarada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee dalalka aduunka ku tego.
Gaba-gabadii Somaliland ayaa xustay in arrimaha ay ku eedeeyeen Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ay yihiin kuwo soo noq-noqday, isla markaana marar badan ay eedaas hadalo iyo qoraalo ugu gudbiyeen BBC-da, balse aysan waxba ka qaban.
Hoos Akhriso Qoraalka ay soo saartay Somaliland.