Somalila iyo Niger oo ka wada hadlay sidii loosoo deyn lahaa dhalinyaro ku xiran Xabsiyada dalkaas

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama ayaa intuu ku sugnaa dalka Niger wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Niger Mohamed Bazoum isagoo kala hadlay qodobo ay kamid yihiin in labada dal oo kujira duruufo isku dhaw ay u yeeshaan xiriir dhaw, kana wada shaqeeyaan horumarka labada dal.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Niger in lasoo daayo 5 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo muddo sannad ku dhaw ku xirnaa dalkaas. Madaxweyne Bazoum ayaa dhankiisa sheegay in uu u kuur-gali doono xaaladda dhallinyaradaas kadibna wax ka qaban doono si degdeg ah.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha dalkaas marti gelinta shirka Warshadaynta iyo isu-dheelli tirka dhaqaalaha oo muhiimad gaar ah u lahaa dalalka Afrika.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor