Wararkii ugu danbeeyay Dad isku qoys ahaa oo lagu dilay degaan hoostaga Warsheekh

Rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ayaa xalay deegaanka xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay dad isku qoys ahaa.

Dadka la dilay ee isku qoyska ah ayaa ka koobnaa gabar dhallinyaro aheyd, habar-yarteed iyo wiil yar oo ay dhashay, waxaana lagu kala magacaabi jiray AUN Safiyo Sheekh Abuukar Sh. Cabdiraxmaan, Sangaabo Maxamuud Xuseen iyo Abuukar Iidow oo 10-sanno jir ahaa.

Sidoo kale waxaa falkaas ka badbaaday hooyada dhashay Safiyo Sheekh Abuukar, oo wax yar kahor dilka ka tagtay goob ay ku wada sugnaayeen, Rasaas xooggan oo lagu furay ayeyna saddexda qof u geeriyoodeen.

Falka kadib ayaa waxaa goobta ka baxsaday raggii hubeysnaa ee dilka Argagaxa leh u geystay qoyska, Dadkan ayaa sida la tilmaamay maalmo kahor xoolo u naq raacay ( Uraray) xaluule oo uu ka da’ay roob.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilka xalay ka dhacay deegaanka xaluule uu salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil oo horey uga dhacday deegaankaas, Maanta ayaana dadka la dilay lagu aasayaa tuulada.

Sannadkii hore ayey aheyd markii sidaan oo kale maleeshiyaad hubeysan ay xaluule ku dileen dad isku qoys ahaa oo ay ku jireen hooyooyin iyo carruurtii ay dhaleen, mana jirto cid lasoo qabtay falalkaas.

Maamulka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaan weli ka hadlin dhacdadaan oo dad badan ay aad uga naxeen, falalka aanooyinka qabiilka ah ayaa muddooyinkii dambe kusoo noq-noqday deegaanada hoostaga degmadaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor