Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad oo haatan ku sugan Caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaadh waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Qeyd.
Labada mas’uul waxay ka wada hadleen Xaalladihii ugu dambeeyey ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amniga ee Somalia iyo Dib-u-dhiska Hay’addaha DFS.
War Saxaafadeed ka soo baxay Xoghaynta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay inuu Axmed Abu Qeyd mar kale xaqiijiyey Taageeradda buuxa ee ay Dowladaha Jaamacadda Carabta la garab taagan yihiin DFS iyo sidii loo soo celin lahaa Nabdda iyo Deganaanshaha.