8 Dhallinyaro Somali ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda magaalladda Garissa ee W/bari ee dalkaasi , kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Alshabaab iyo inay si sharci-darro ku soo galeen dalkaasi.
Ciiddan Bolis oo ilaalo roondo ah ku marayey Deegaanka Kobobey ayaa la sheegay inay Dhallinyaradaasi qabteen, xilli ay Dhallinyaradaasi ku sii jeedeen magaalladda Nairobi, gaar ahaan Xaafadda Islii ee ay Soomaalida ku badan tahay.
Ugu yaraan 4 ka tirsan Dhallinyaradaasi ayaa loo gudbiyey Isbitaalka Dowladda, si loo soo ogaado da’dooda rasmiga, iyadoo ay Dhallinyaradaasi sheegteen inay da’dooda ka yar tahay 18-jir.
Dhinaca kale, Garoorka Maxkamadda Garissa waxay amreen in Xabsiga lagu sii hayo Dhallinyarada, si ay Boliska u soo dhamaystiraan Baaritaankooda ku aadan Eedeymaha loo haysto Muwaadiniintaasi Soomaalida ah.
©Radio Dalsan