Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamo

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Saldhi Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka Baydhabo, sidaasina uu ku dhacay dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen saqdii dhexe ee xalay hub culus oo labada dhinac ay is-dhaafsanayeen, wallow saacad kadib rasaasta istaagtay, isla markaana xaaladda ay caadi kusoo noqotay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka K/Galbeed oo ku aadan dagaalkaas dhacay, xili Al-shabaab ay sheegteen inay weerareen Ciidanka Maamulka.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale weeraro kala duwan ugu qaaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaaro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor