Diplomaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo kafaaloda arimaha siyaasada Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho isagoo ku sugan Magaalada Helsinki ee caasimada Filand yaa dooorashada Soomaliya ee sanadkan ku tilmaamay midii ugu wanaagsaneyd ee soo marta Soomaliya 60-kii kadib madaama dad gaaraya 14,000-kun oo qof ay wax dooranayaan
Sidoo kale Caalin ayaa wax laga weydiiyay waxa ay kaga dubanaan karto doorashada sanadkan 4-tii sanadood ee lasoo dhaafay muran siyaasadeedka hareeyay Madaxweynaha iyo inta Ra,isalwasaare afartaas sano Dalka soo maray ee dhinaca wada shaqeyn la,aanta kadhex jirtay sida looga gudbi karo dhaqanka noocaasi ah,wuxuuna Caalin tilamaamay in doorashadan ay leedahy labo gole Xildhibaanada soo baxayana ay ku imaan doonaan si cadaalad ah oo gacan hoosa ah oo ay dadku soo doortaan
Siyaasiga ayaa ugu dambeeyn tibaaxay hadii ay gabdhaha Soomaaliyeed siyaasada kuraas fiican ka helaan inay dhalan karto isbadal siyaasadeed oo u muuqan karto rajo fiican dhinaca dumarka ah hadii ay haweenku awood siyaasadeed yeeshaan waxay taasi sahli kartaa buuyiri in dhalanyarada iyo caruurta ay waxbarasho fiican helaan qoyaska Soomaliyan uu noqdo qoys qurux badan oo hormar gaara
Halkan ka dhageyso Wareysiga Caalin