Agaasimaha ciidanka ilaaladda badda Christ Reynolds, ayaa waxaa loo magacaabay Taliyaha labaad ee Howgalka lagula dagaalamaya kooxaha Burcad badeeda soomaalidda ee Midowga Yurub.
Mr Reynalds, ayaa waxaa tan iyo bishii july 19 uu ka shaqeynayay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay tahay markii ugu horeysay oo ciidamada bada dalka Irish-ka ay ka qeyb qaataan howgalo meel ka baxasan dalkooda.
Taliyaha Ciidanka Bada ee dalka Irihsh, ayaa waxaa uu masuul uu ka yahay, dhamaan howgaladda iyo xafiisyadda EUCAP, Nestor, eek a socda Magaalooyinka Mogadishu, Puntaland, iyo soomaaliland iyo saldhigyadda ay Djbouti ku leeyihiin Midowga Yurub.
“ Tan, waa garowsasho ku aadan heer caalami, oo isugu jirta, xirfad iyo si bilaasha h intaba, waxaan sameyn doonaa shaqo wanagsan, waxaana heli doonaan xushmad iyo aaminaan ka imaan doonta dhamaan bulshooyinka aan la shaqeyneyno iyo dhigeena intaba.