Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay degaan ka tirsan G/Baay

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Al-shabaab ay weerar dhabba-gal ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku socdaalayay wadada xiriirisa deegaanka Goofguduud iyo degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inta socday dagaalka inay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo labada ay isdhaafsanayeen, isla markaana uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in dagaalka ay Ciidanka Koonfur Galbeed ay uga dileen hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Koonfur Galbeed, halka sidoo kalena uu ku dhaawacmay mid kale.

Ilaa iyo hada ma jiro war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay uga hadlayaan Khasaaraha dhashay dagaalkii ay la galeen Al-shabaab, kaasi oo markii hore ka bilowday weerar dhabba-gal ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media