Dunida Islaamka ayaa maanta si weyn looga dabbaal dagayaa maalinta koobaad ee ciidul Adxada oo ku beegan maanta oo Jimco ah, waxaana si weyn looga dareemayaa diyaar garowga .
Inkastoo ciidaani ay ka duwan tahay ciidihii hore haddana waxaa jira waddamada qaar oo aan salaadda iyo isbooqashada bulshada islaamka laga joojiyay sababo la xariira caabuqa dunida aafeeyay ee Covid19.
Sidoo kale dowladaha islaamka qaarkood ayaa shuruudo kasoo saaray qaabka loogu dabbaal dagayo ciidaan, waxaana la xaddiday dadka ku tukanaya masaajidda.
Dowladaha qaarna waxaa ay joojiyeen goobaha waaweyn ee saaladda lagu dulan jiray, waxaana ay bulshada loo ogolaaday in ay ku dukadaan masaajidda waliba tiro kooban oo kaliya.
Dhibaatada uu caabuqa Covid19 uu bulshada ku haayo ayaa waxaa ay sababtay in ay istaagaan waxyaabo badan oo dadka islaamka ay kaga qayb qaadan jireen maalmaha farxadda ee ciidaha.