Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa si wada jir ah u soosaaray war-murtiyeed ku aaddan maalmaha ciiddul Adxada oo ay ugu horreyso maanta oo Jimca ah.
War murtiyeedka kasoo baxay labada Wasaaradood ayaa lagu yiri:”War-murtiyeed ku aadan kahortagga caabuqa COVID-19 inta lagu guda jiro maalmaha Ciida Udxiyadda, oo ay si wadajir ah usoo saareen Wasaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
Dowlada Soomaaliya iyada oo ka duulayso masuuliyada ka saaran badbaadinta iyo badqabka umadda Soomaaliyeed ayaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxa ay soo wada saareen war-murtiyeedkaan wadajirka ah oo ku saabsan sida ugu haboon ee looga hortagi karo inuu faafo cudurka COVID-19 maalmaha lagu guda jiro Ciidda Udxiyadda.
Isku imaatinka bulshada, gudashada salaadda ciidda iyo gawraca lasameeyo ayaa ah acmaasha ugu weyn ee la qabto maalmahaan aan ku jirno ciidda udxiyada. Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in bulshadu ay ka taxadirto sababkasta oo keeni karta faafidda caabuqa cudurka COVID-19 oo ah mid weli kusii faafayo bulshada loona baahanyahay in la raaco siyaabaha looga hortaggo caabuqa.
Qodobada War-murtiyeedka ku xusan:
- Dhamaan umadda Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa in ay raacaan talooyinka iyo fariimaha caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka la wadaagto goor walbo bulshada soomaaliyeed sida:
• In la joogo guriga maadama uu caabuqa yahay mid si sahlan ugu faafa bulshada dhaxdeeda qatartiisana ay tahay mid aad u daran.
• Inaad dabooshid afka iyo sanka marka aad qufaceysid ama aad hindhiseysid adigoo isticmaalayo safaleeti ama xusulka gacanta oo laaban, sidoo kale ku astur safaleetiga meel amaan ah isticmaalka kadib.
• Si joogto ah u dhaq gacmaha adigoo isticmaalayo biyo iyo saabuun socdo mudo 20-30 ilbiriqsi.
• Ka fagow qofka kuu dhow ama u jirso masaafo dhan 2 mitir.
• Afka xiro adigoo isticmaalaya af xir ama maaskaro haddii aad qabto qufac. - In lakala fogaado inta lajoogo Masaajidda ama Goobaha kale inta lagu guddo jiro gudashada Salaadda Ciidda Udxiyada, isuna jirsadaan 2 mitir, tirada ku tukaneysa Masaajidda in lasoo koobo, qof walbana uu afka kuso xirto af xir ama maaskaro ayna la yimaadaan sijaayadooda si ay isaga saaraan gogosha masaajidka si loo yareeyo faafidda caabuqa COVID-19.
- Xafladaha loogu dabaaldagaayo ciidda in lagu qabto meel furan/ banaan oo hawo fiican leh, lana soo gaabiyo mudada ay soconeyso xafladaha, la yareeyo tirade kasoo qeyb galayaasha si uu uyaraado isku gudubka caabuqa Karoonaha dadka dhaxdooda.
- Goobaha la isugu imaanaayo in lagu diyaariyo goobo gacmo dhaqasho lana dhigo saabun, aalkolo iyo safaleeti si kor loogu qaado nadaafada.
- Gowricidda xoolaha udxiyadda waa in loo gowracaa si waafaqsan shareecada islaamka lana dhowraa nadaafadda lana siiyo dadka mudan.
- Dadka aadka u ngul ama qaba cudurada lala nolaado sida Macaanka, Dhiig karka, Wadna xanuunka iyo Neefta waa inay muujiyaan taxadar gaara ah ay ku nagaadaan guryahooda maadaama uu caabuqa ku keeni ku karo xanuun daran ama geeri.
- Dhamaan umadda Soomaaliyeed iney iskaalmeeyaan maalmahaan fadliga badan ee ciidda udxiyadda lana taakuleeyo dadka liita ee mudan kaalmeynta.
Ugu danbeen, Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxey umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeneeysaa curashada maalinta weyn ee Ciida Udxiyadda, waxeyna Ilaahay ka baryeynaa inuu ilaaliyo, uuna siiyo caafimaad dhamaan dadka la ildaran xanuunkaan, siiyana naxariistii janno dadka ugeeriyooday, dalkana ka dhiga mid amni, xasillooni iyo barwaaqo ah”.