Shirka sanadlaha ee Machadka Hiratage oo Maanta ka furmaya Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo markii ugu horreeyay lagu qabanayo Somalia.

Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, Musharaxiinta Madaxweynaha, qaar kamid Maamulada dalka, Xildhibaano, Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kala duwan oo aad u badan ayaa ka qeyb galaya Shirkaas furmaya.

Qaban-qaabadii ugu dambeeysay ayaa haatan ka socota Xarunta Jaamacadda PUS ee Garoowe oo uu ka furmayo Shirkaas, isla markaana waxaa halkaas kusii qul-qulaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qey galaya.

Madaxda lagu casuumay Shirka ayaa furitaanka Madasha ka jeedin doona Khudbado intooda badan looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashada dhacaya oo muran xoogan uu xiligaan uu ka taagan yahay.

Shalay ayaa lagu waday inuu furmo Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, hayeeshee waaa uu baaqday, sababo la xiriira Xaruntii loogu tala-galay in lagu qabto Shirka ay qaadi weyday Madaxda lagu casuumay shirkaas.

Agaasimaha Machadka Hirata Cabdirashiid Xaashi ayaa tilmaamay in Shirka Maanta ay ka qeyb galayaan dad ka badan 500 oo qof, kuwaasi oo lagu casuumay, waxaana sida uu qorshahu yahay uu socon doonaa saddex maalmood.

Ammaanka guud ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa waddooyinka qaarkood lagu daadiyay Ciidamo ka tirsan Puntland, kuwaasi oo sugaya amniga, maadaaama halkaas uu ka furmayo Shirweyne Caalami ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media