Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho. Shirka ayaa lagu wadaa in uu diiradda saaro arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta amniga, siyaasadda, iyo xallinta khilaafaadka ka dhex jira dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.
Furitaanka shirka waxaa ka soo qaybgalay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), sidoo kale waxaa goob joog ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac. Shirkan ayaa muhiimad gaar ah leh, maadaama uu ka qayb yahay dadaallada ay dowladda federaalka ku dooneyso in la isku soo dhoweeyo madaxda dowlad goboleedyada si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed oo guud ahaan dalka ka hirgala.
Wararka laga helayo kulanka ka hor shirka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, maaddaama ay ka dhexeyso xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamulkiisa. Khilaafkaan ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay cirka isku sii shareerayay, iyadoo muran xooggan uu ka taagnaa hannaanka doorashooyinka, amniga, iyo awood-qeybsiga.
Kulanka gaar ah ee labada mas’uul waxay dad badan u arkaan fursad muhiim ah oo lagu soo afjari karo madmadowga siyaasadeed ee labada dhinac ka dhexeeya, waxaana rajo laga qabaa in shirkan uu horseedo isfaham iyo heshiis siyaasadeed oo lagaga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee dalka ka jira. Shirarka noocan oo kale ah ayaa qayb ka ah dedaallada dowladda federaalka ah ee lagu xoojinayo wada shaqeynta kala dhaxeysa maamul goboleedyada, si ay u wadajir u wajahaan caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee dalka.