Waxaa maalintii Labaad magaalada Muqdisho ka socda Shir sanadeedka garsoorka dalka,kaaso looga hadlayo arrimo kala duwan oo ku aaddan xaaladda garsoorka iyo cadaalada dalka halka uu marayso.
Shirkaan ayaa waxaa Shalay uu ka furmay magaalada Muqdisho iyada oo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Maxkmadda Sare, Guddoomiyaha Maxkmadda Gobolka Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno ka socda Maamul Goboleedyada dalka.
Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa hay’aadddah garsoorka dalka, iyadoo wasaaradda cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada garsoorka dalka.
Sidoo kale Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Maxkmadda Sare ee dalka ayaa waxaa uu galay maalintii Labaad iyada oo laga jeedinayo Khudbado dhaxal gal ah oo ku aaddan Garsoorka iyo sidii meesha looga saari lahaa dulduleeda ka jira arrimaha Garsoorka dalka.