Shir Madaxeedkan oo maalintiisa Labaad ka socda magaalladda Kigali waxay Madaxda Afrika ku lafa gurayaan Ajendayaal muhiim ah oo ay ugu waa weyn yihiin: Isla meel dhigista miisaaniyadda Midowga Afrika oo la doonayo in qaaradda isaga filnaato, doorashada hoggaanka cusub ee Guddiga Sare ee Midowga Afrika, xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan iyo arrimo kale.
Waxaa sidoo kale shirkan lagu soo bandhigay laguna daah-furay baasaboorka cusub ee qaaradda Afrika ka dhexeyn doona, oo la filayo inuu fududeyn doono isku socodka dadyowga ku dhaqan qaaradda.
Waxaa hal-ku-dhegga sannadkan ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika uu yahay Dhowrista Xuquuqda aadanaha qaaradda, iyo weliba Xuquuqda Haweenka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley Shir Madaxeedkii 27-aad ee Midowga Afrika oo sannadkan lagu qabtay magaalada Kigali ee dalka Jamhuuriyadda Rwanda.
©Radio Dalsan