Shir looga hadlayo Nidaamka casriga ee Diiwaan-gelinta Madaniga oo ka furmay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi ayaa daah-furay shirweyne looga hadlaayo Nidaamka Casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga taasi oo ay ka qeybgalayaan Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo socon doonna muddo afar maalin ah ayaa looga hadlayaa sidii loo heli lahaa diiwaangelin mideysan oo casri ah taasi oo ay ka shaqeenayaan Dowladdaha Hoose iyo Hey’addaha tira-kobka, si loo helo tiro koob sax ah oo loogu sameeyo Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka.

Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in hirgelinta nidaamkaan uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed si loo helo Nidaam (Diiwaangelinta Madaniga) oo mid ah taasi oo ka hirgela dalka oo dhan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in hirgelinta Mashruucaan uu qeyb weyn ka qaadan doono sugida Amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo xuquuq helida Bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor