Wararkii ugu danbeeyay Israsaaseyn khasaaro dhalisay oo Maanta ka dhacday Qardho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Israsaaseyn kooban oo Maanta ka dhacday Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, taasi oo u dhexeeysay Ciidanka ammaanka magaalada iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ahaa.

Israsaaseynta ayaa ku bilaabatay, kadib markii ragga hubeysan ee maleeshiyaadka ahaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Booliska Puntland ku leeyihiin magaalada Qardho, iyagoona doonayey inay soo furtaan maxaabiis ku xirneyd Saldhiga.

Wararka la heleyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay diidan yihiin in maxaabiista xiran oo horey Maxkamadda Qardho xukun ugu riday in loo wareejiyo xabsiga dhexe magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Hal Askari ayaa ku dhintay Israsaaseynta dhacday oo socotay daqiiqo kooban, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa qeybo kamid ah Qardho, dadka deegaanka ayaa soo weriyey in xiisada ay saameysay isku socodka Ganacsiga iyo dadka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Saraakiisha ammaanka Maamulka Puntland ee ku sugan Qardho oo ay uga hadlayaan shaqaaqada dhacday, dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale Israsaaseyn u dhexmartay Ciidanka Punland iyo maleeshiyaad hubeysan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor