Shir heer sara ah oo looga hadlayay xalka gaarista arimaha barakacayaasha islamarkaana uu maamulka gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar ku soo bandhigayeen qorshaha maareenta barakacayaasha ee 4-Sano ee soo socota ayaa waxaa daahfuray ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadra).
Daahfurka shirkani waxaa xaadir ahaa wasiirka wasaarada gargaarka iyo maareenta musiibooyinka ee XFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) madaxda beesha caalamka u joogta Soomaaliya iyo hey’adaha deeq bixiyaasha.
Inta uu shirkani socday ayaa waxaa aad loo falan qeeyay dhibaatooyinka kala duwan ee heesta dadka barakacayaasha iyo sidii loo horumarin lahaa nolasha qoysaskaasi dhibaateysan.
Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadra) oo shirkani oo daahfuray ayaa ka hadlay da’daalada socda ee lagu xoojinaayo xalka gaarista arimaha barakacayaasha.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shirka kadib waxa uu warbaahinta u sharxay waxyaabihii shirkani looga hadlay.