Cudar aan la aqoon oo ka dillaacay Magaalooyinka dalka China

Fayrus cusub oo ka dillaacay dalka China ayaa kusii baahay magaalooyin hor leh, sida ay Isniinta sheegeen mas’uuliyiinta China, ayada oo saddex jibaarantay tirada dadka uu ku dhacay, islamarkaana qofkii saddexaad uu u dhintay.

Guddiga caafimaadka degmada Daxing ee magaalada caasimadda ah ee Beijing, ayaa sheegay inay xaqiijiyeen laba kiis oo cusub oo Fayruskan ah, halka guddiga caafimaadka ee gobolka Guangdong ay xaqiijiyeen hal kiis, magaalada Shenzen.

Kiisaskan ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee lagu arko meel ka baxsan magaalada bartamaha ah ee Wuhan, halkaasi oo ah meeshii ugu horreysay ee Fayruska uu ka dillaacay.

Guddiga Caafimaadka Wuhan ayaa sheegay in 136 qof oo ah kiisas dad uu ku dhacay cudurka oof-wareenka, oo uu sababay fayruskan, lagu arkay magaalada dhammaadkii toddobaadka, taasi oo dheeri ku ah 62 kiis oo horey loo ogaa.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in qofkii saddexaad uu Fayruskan u dhintay Sabtidii.

Tiradan ayaa ka dhigeysa guud ahaa kiisaska la xaqiijiyey ee dadka uu ku dhacay Fayruskan ee dunida oo dhan 200 oo qof, taasi oo hoosta ka xariiqeysa caqabadaha ay wajahayaan mas’uuliyiinta caafimaad ee ay kula tacaalayaan fiditaankiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media