Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka isutaga Imaaraadka Carabta.
Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Abu Dhabi ayaa waxaa uu yahay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayed, wuxuuna Madaxweynaha dalkaa joogi doonaa maalmo kooban, sida uu qorshahu yahay.
Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay Dhabi ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zayed iyo Madax kale oo ka tirsan dalkaas, isagoona soo dhaweyn ballaaran loo sameeyn doono
Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlin doona Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka iyo mas’uuliyiin kale oo kamid ah Madaxtooyada, iyagoona saacado kadib ka ambabaxaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Safarkan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee dibadda ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud u baxo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay 15 bishii hore ee May.