Dibadbaxayaal ku sugan dalka Mali ayaa waxa ay sababeen in warbaahinta qaranka ay hawada ka baxdo xilli dibadbaxyo ballaaran ay ka dhacayeen magaalada caasimadda ah Bamako.
Booliska ayaa waxa ay rideen rasaas iyo sunta dadka kaga ilmaysiisa si ay u kala kaxeeyaan dibadbaxayaasha, kuwaas oo qaar ka mid ah ay isku dayayeen inay xoog ku galaan dhismaha golaha shacabka.
Waa isu-soo-bixii saddexaad oo dhaca muddo bil ah kaas oo lagu dalbanayo in madaxweyne Ibraahim Boubakar Keita uu xilka banneeyo.
Waxaa jiray qanaacad la’aan ku aaddan colaadda dabadheeraatay ee uu dalkaas kula jiro kooxaha jihaadigga ah, dhibaato dhaqaale iyo shuruucda doorashooyinka oo lagu muransan yahay.
Isbahaysi cusub oo mucaarad ah oo uu hogaaminayo Imaamka muxaafadka ah, Maxamuud Dicko, ayaa waxa uu sheegay inuu iska dhaafay dalabkii ahaa in Madaxweyne Keita uu iscasilo.