Shil sababay khasaaro oo ka dhacay degaan ka tirsan Nugaal

Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee shalay halkaas uu ka dhacay shil gaari oo geystay Khasaaro dhimasho oo soo gaaray dadkii saarnaa gaariga.

Shilkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay inta u dhexeeysa Magaalada Garoowe iyo degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal, waxaana uu yimid, kadib markii gaariga nooca raaxada oo ku socday xawaare sare uu ku rogmaday tuulada Sinujiif.

Dad ku sugnaa meel ku dhow halka uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in gaarigaas ay la socdeen laba Nin, kuwaasi oo ku geeriyooday shilka, isla markaana waxaa burbur xoogan uu soo gaaray gaarigaas.

Dad yaqaanay labada Nin ee dhintay ayaa waxaa ay magacyadooda ay ku kala sheegeen Maxamed Cali Xasan iyo Maxamed Qudde, iyagoona kusii jeeday Magaalada Garoowe, hayeeshee xili ay socdaal ku marayeen Sinujiif, ayuu gaariga la rogmaday.

Shilal kala duwan oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa horey uga dhacay Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo degmada Dangoroyo ee ka tirsan Gobolka Nugaal, waxaana la sheegay in qeyb kamid ah wadadaas ay tahay mid burbursan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media