Kumanaan qof oo ka mid ah taageerayaasha mucaaradka Ivory Coast ayaa isugu soo baxay caasimadda Abidjan, waxayna ka soo hor jeedaan qorshaha Madaxweyne Alassane Ouattara uu markii sadexaad ugu tartamayo xilka madaxtinimada dalkaasi ku yaalla galbeedka Afrika. Xiisadda ayaa kor u sii kacaysa ka hor doorashada sida wayn loogu loolami doono.
Sadex todobaad ka hor xilliga codbixinta oo ah 31 bishan October, ayaa ku dhowaad 20,000 oo ruux waxaa ay isugu soo baxeen garoonka cayaaraha magaalada ganacsiga galabnimadii sabtida, ayagoo sitay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhegyo ay ka mid yihiin “dadku ma rabaan in xilli sadexaad oo sharci daro ah”
Ouattara, 78 sano jir ah, ayaa bishii August ku dhawaaqay in uu ka qaybgali doono doorashada ka dib markii ninka xisbiga talada haya ee RDHP u soo sharaxeen doorashada uu geeriyooday. Go’aanka madaxwaynaha ayaa waxaa ka carooday mucaaradka, oo sheegaya in Ouattara uu ku xadgudbay dastuurka.