Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaa qeybta Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah ay toogteen Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Canshuurta qaada, xili uu ku sugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha, isagoona u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jidka looga dhuftay.

Ragii dilka geysta ayaa la tilmaamay in goobta ay uga baxsadeen si Deg deg ah, isla markaana waxaa sida caadada aheyd daqiiaqdo kadib goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo qaaday Meydka Sarkaalka.

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada dilkaas ka dhacay Muqdisho ee loo geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka dowladda gaar ahaa qeybta Canshuurta qaada, iyagoona magacaabiisa ku sheegay Cabdi Macoow Kulmiye.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo falka kadib goobta ka baxsada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media