Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa si’ weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed  Cali Siciid Fiqi, Guddoomiyaha Golaha dhexe Xisbiga Himilo Qaran Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Senator Ilyaas Cali Xasan oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo Qaran, Xildhibaanno heer deegaan iyo heer Federal ayaa ka qayb qataay soo dhaweynta oo Shacabka magaalada Baydhabo isugu soo baxeen.
Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya  Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ayaa shir Xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed kula leh Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.
Socadaalka Shariif ee Baydhaba ayaa la xariira Ololihiisa Musharaxnimo, waxana uu sidoo akle socdaal ku tagi doonaan magaalooyin kale oo ka tirsan dalka.