Shaqaale Miino-baaris ka waday dalka Afganistan oo la dilay.

Kooxo dabley hubeysan oo aan la aqoonsanin ayaa la sheegay inay 5 shaqaale miino-baarayaal ku dileen Degmadda Maiwand ee Gobalka Khandahaar ee Koonfurta dalkaasi

Afhayeenka Gobalkaasi, Daa’uudi Axmadi ayaa sheegay  in Waaberigii hore ee saakyto la dilay shaqaalahaasi, halka mid kalena la afduubtay.

Waxa uu tilmaamay inay Shaqaalahaasi diideen inay raacaan  Ilaalo hubeysan oo ka difaacda Kooxda Daalibaan inta ay ku guda-jiraan dhismaha dhuun Gaaska Dabiiciga u gudbisa dalalka Pakistan iyo Hindiya.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Kooxda Daalibaan ayaa sheegay inay baarayaan Dhacdadaasi, iyagoo sheegay inaysan Shaqaalaha ku labisnayn Dharka u gaarka ah Shaqaalaha Shirkadda TAPI, iyadoo Daalibaan heshiis wada-shaqeyn horey ula galeen Shirkadaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media