Wararka aanu ka heleyno  Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas  lagu Afduubtay Shaqaale Caafimaad oo la shaqeynayay Ururka Dhaqaatiirta Xanaanada Xoollaha ee Gobalad Dhexe,kuwaa oo howlo la xiriiray bixinta adeeg Caafimaad u tagay Gobalka Hiiran.
Waxaa la sheegay in Deegaan 10 KM u jira Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan  lagu Afdubtay  Shaqaalahaan, Waxaana Xaqiijiyaya Afduubkooda Ururka Dhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha ee Gobalada Dhexe ee Soomaaliya.
Wadarta Dadka la Afduubtaya waxaa la sheegay in aya dhanyihiin 5,Waxaana ay iskugu jiraan Dhaqtar dhinaca Xanaanada Xoolaha Kalkaaliye Caafimaad Labo Arday iyo Darawal, ilaa iyo haatana lama oga dhinaca loo watay sida aya sheegeen Xubno ka mida Urururka Dhaqaatiirta  Xanaanada Xoolaha ee Gobalada Dhexe.