Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo Xilka si toosa ugu wareejiyay Wasiirka Cusub ee AmnigaMaxamed Abuukara Isloow Ducaale ayaa ka hadlaya arimo la xiriira Amaanka Soomaaliya.
Waxa uu sheegaay intii uu hayay Xilka in wax badan uu ka qabtay dhinaca Amniga laakaiin waxa uu cadeeyay in weli aya jiraan caqabado ku hor gudban Amaanka magaalada Muqdisho.
C/risaaq Cumar Maxamed ayaa soo hadal qaaday qaraxyada ka dhaca Magaalooyinka Soomalaiya waxaana uu sheegay in meelaha qaraxyadu ay ka soogalaan Dalka in ay Koow ka tahay Dekadda magaalada Muqdisho.