Shaqaalaha Wasaaraddaha Arimaha Dibada iyo Wasaaradda Qorshenyta Qaranka, ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu amray in aysan imaan dhismaha Wasaaraddaha ee Magaaladda Muqdishu, taa bedelkeedana ay ku shaqeeyaan gurayooda Sababo amni darteed.
Xog ah heshay idaacadda Dalsan, ayaa tibaaxeysa in ay fariintaasi ay si dhab ah u wada qaateen dhamaan shaqaalaha labada wasaaradood, oo kor u dhaafaya boqolaal.
Sidoo kale waxaa irdaha la isugu laabay labada Wasaaradood oo ah kuwo muhiim u ah Dowladda Dhexe ee Soomaaliya gaar ahaa dhinaca siyaasadda Arimaha dibada.
Shaqaalaha dowladda Soomaaliya, Ciidamadda dowladda iyo kuwa Midowga Africa iyo Shaqaalaha hey’adda deeq bixiyaasha ayaa waxaa ay bartilmaameed ay u yihiin Xarakadda Al Shabaab.