Washington (SBG)-  Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Federalka ee La-socodka Heshiisyadda iyo Maaraynta Gurmadka ee dalkaasi, Senator Rand Paul ayaa ku baaqay in la joojiyo Lacagaha Canshuuraha ee la siiyo Ciiddanka DFS.
Senator Rand Paul oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto Gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka waxa uu sheegay inay jiraan caddaymo muujinaya in Ciiddankaas qaarkood qeyb ka ahaayeen Ururka Al-qaacida, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa jira in 920  carruur la askareeyey, laguna khasbo inay dagaalamaan, waxaana jira caddaymo muujinaya  inay qaar ka mid ah Ciiddankaasi ka tirsan yihiin Al-qaacida iyo kuwo aan waxba dhaamin Burcadda taagan Waddooyinka waa weyn†ayuu yiri Senator Senator Rand Paul oo Wareysi bixiyey Toddobaadkii la soo dhaafay.
Sidoo kale, Waxa uu ku nuuxnuuxsaday inaysan wax fiican ahayn in Canshuurta dadka Maraykanka loo adeegsado Lacagaha Ciiddanka Somalia loogu iibiyo Labiska iyo in Mushaar ahaan loo siiyo.
Senator Rand Paul oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto Gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka waxa uu tilmaamay in Khasaaraha Maraykanka sannadkan gaari doono Trillion Dollars, wuxuuna is-weydiiyey halka ay Lacagta ka imaanayso iyo xitaa waxa Labiska iyo Mushaarka looga dhigayey Ciiddanka Qaranka Somalia
Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Xiriirka Maraykanka iyo Somalia inuu yahay mid ahmiyad u leh hadafyadda lagu taageerayo Siyaasadda iyo Deganaanshaha Dhaqaalaha iyo taageerida Xiisadaha Aadminimo iyo in laga hortago inaysan Somalia gabaad u noqoto Kooxaha Argagixisadda ee guud ahaan Caalamka.
Laakiin Hawlgalkaasi waxa uu ku dhow yahay inaysan suurtogal noqon Karin in la dhamaystiro, iyadoo uusan lahayn Kormeer Munaasab ah.
http://abcnews4.com/news/nation-world/lawmaker-calls-for-end-to-us-taxpayer-money-for-somali-national-army.
Muuqaalka Warkan ka Daawo Linkigan https://bit.ly/2LPagaT