Awoodda ay Milliteriga Yuhuudda u adeegsadaan dadka Reer Falastiin oo la sheegay inay tahay Dembi Dagaal.

Hadal qoraal oo ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Adaanaha ee Human rights Watch soo saartay ayaa lagu sheegay in Awoodahaasi ka dhanka ah Dibadbaxayaasha Falastiin ee aan hubeysnayn xadgudub ku tahay Qaanuunka Caalamiga.

Qoraalka Hay’adda waxa uu ku soo beegmay iyado uu Golaha Guud ee QM caawa cod u qaadi doono in la cambaareeyo Tacadiyadda Askarta Yuhuudda u geystaan Dibadbaxayaasha Reer Falastiin.

Tan iyo bishii Maarso 30-da ee sannadkan, Askarta Yuhuudda waxay toogasho ku dileen ugu yaraan 120 Falastiiniyiin aan hubeysnayn, halka in ka badan 3,800 oo kalena la dhaawacay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media