Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa Maanta waxa uu si KMG ah u diiwaangeliyey 7 xisbi oo ku biiraya Xisbiyadii horey u jiray,waxaana ka mid ah Xisbiga Ileys.
Xisbiga Ileys ayaa waxaa hoggaamiye u ah Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya,sidoo kalena ka mid ahaa Musharixiintii doorashada kula tartantay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xisbiga ayaa waxaa Guddoomiye u ah Maxamed Cumar Ceymoow,waxana uu ka mid noqonayaa Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira,isla markaana doonaya inay qeyb ka helaan xilalka laga qabto dowlada markaas jirta.
Xisbiga ayaa sidoo kale waxaa ku jira siyaasiyiin,Aqoon yahano iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Sawirrada diiwaangelinyii Maanta ee Xisbiga.