Sawirro:-Xildhibaano shiray oo Ansixiyey Xarunta Rasmiga ah ee Baarlamaanka Galmudug

Kulan ay Maanta Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ku yeesheen xildhibaanada Galmudug ayaa waxa y ku ansixiyeen in Magalada Cadaado ay tahay Xarunta rasmioga ah ee Baarlamaanka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoominayey Guddoomiyaha Baarlaamanka Galmudug Cali Gacal Casir ,waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaas Maxamed Xaashi Carabeey iyo Xildhibaano.

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Claahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa horey u magacaabay in Cadaado tahay xarunta baarlamaanka Galmudug.

Ansixintaan ayaa ku soo aadeysa xilli uu weli jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug,waxana Cadaado ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxeyne ku xigeenka halka madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir ay ku sugan yihiin Dhuusamareeb.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor