Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax goor dhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka xarunta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya.
Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa xaqiijinaya in gaariga qarxay uu lahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed oo loo yaqaan Boorow wararku waxay sheegayaan inuu ku dhintay darawalkii waday gaariga xildhibaanka islamarkaana uu dhaawac Garaab ah yahay hadda xildhibaanka sida wararku sheegayaan.
Waxaa la sheegayaa in xildhibaanku uu ka yimid dhinaca wadada 15-may islamarkaana uu qarxay gaarigu xilli uu marayey halka gaadiidka lagu baaro ee agagaarka Tiyaatarka Qaranka.
Xaaladda ayaa hadda yara daggan waxaana goobta soo Gaaray Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.