Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta ka furmay Kalfadhiga 5 aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleed Hirshabelle oo bilihii u dambeysay fasax ku jiray.
Kulanka ayaa waxaa furay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle,waxaana goobjoog ka ah Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle,Guddoomiyaha Baaramaanka iyo labadiisa kuxigeen Xubno k atirsan labada Gole ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la hadal hayay in dib loo dhigay furitaanka Kalfadhiga 5 aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleed Hirshabelle,hayeeshee uu maanta sirasmi ah u furay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Maalin ka hor ayaa Madaxweyne Waare waxa uu isku-shaandheyn ku sameeyay Golihiisa wasiirada,waxana jiray xildhibaano kasoo horjeeday Xubnaha Wasiirada uu Magacaabay oo Xildhibaano u badan.
Warkaan oo faah faahsan oo codad wata kala socda Radiodalsan.com