Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta soo gaaray wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka,waxana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Wafdiga Maanta soo gaaray Magalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga iyo Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
Wafdigan ayaa waxa qeybgeli doonaan Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo markii ugu horeysay lagu qabanayo Magalada Muqdisho.
Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa uu ka kooban yahay 14 dal oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.
Hoos ka Daawo Sawirrada Wafdiga Maanta soo gaaray Magalada Muqdisho.