Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Wabiga degmadaas laga helay meydka qof mudo ehelkiisa uu ka maqnaa.
Ninkaan ayaa meydkiisa laga helay Wabiga Buundada yare ee degmada afgooye,waxaana gobjoogayaal ay sheegeen in uu jirdil ka muuqday.
Qof ku sugan Afgooye,kana mid ahaa dadkii meydka soo arkay ayaa faah faahin ka siiyay Radio Dalsan,isaga oo diiday in Magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado Wwarbaahinta.
“Qofka Wabiga ayaa laga soo saaray Gacmaha ayuu ka xir xirnaa waana uu dhintay,mana naqaano cida dishay laakin wajiga cimaamad ayaa uga xirneed qeyb ka mid ah jirkiisa bahalada wabiga ku jira ayaa ka cunay ayuu yiri qof ku sugan Afgooye.
Weli sidhab ah looma oga dadka ka dambeeya dilka Ninkaas,waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in Ninkaasi,isaga oo xir xiran Wabiga looga soo riday tuulada Basra oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe mudo afar Cisho ahna uu wabiga ku jiray.
Qaar ka mid ah eheladiisa ayaa Maanta tagay degmada afgooye,iyaga oo soo qaatay meydka balse ay diideen inay warbaahinta faah faahin ka siiyaan waxa uu ahaa Ninkaas.