Sawirro:-Wasiir Cawad iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaliya oo ku kulmay Muqdisho

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Wakiilka Ururka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiir Cawad iyo Danjire Francisco Madiera ayaa waxa ay ka wada hadleyn xiriirka Wadashaqeyn ee ka dhaxeeya Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madiera ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadashaqeyn fiican in uu la yeeshay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Danjire Francisco Madiera ayaa ku soo aadaya xili shalay ay Muqdisho ku kulmeyn Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle iyo Danjire Francisco Madiera.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media