Waxaa haatan bilaawday isbedel xoogan oo lagu sameynayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,iyada oo Shaqadii laga eryay 18 Jararaal oo ka mid ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya,halka ay jirto xilka qaadis iyo Magacaabis Saraakiil kale.
Wararka ay Dalsan heshay ayaa waxa ay sheegayaan in soo jeedin ka timid Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Shaqada looga eryay 18 Janaraal,halka markii hore ay ahaayeen 22 Janaraal,isl markaana lagu soo koobay 13 Janaraal kaliya.
Shaqada ka eryida lagu sameeyey Janaraalada ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweyne Farmaajo uu maalmahaan uu Shaqa howleedkisia u u bedelay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu kormeero ku sameeyey Talisyada Ciidamada xoogga dalka soomaaliya ee ku yaallo Muqdisho,isaga oo sheegay in la tayeyn doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Tallaabadaan ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili isbedeladii u dambeeyay ee ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya lagu sameeyey loo Magacaabay Saraakiil Dhalinyaro ah kuwaas oo lagu soo tababay dalka dibadiisa.