Sawirro:-Hir-Shabeelle oo walaac ka muujisay Qorshaha Ciidanka Burundi looga saarayo deegaanadaas

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabelle.

Shirka oo uu goob Joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen ayaa looga dooday arrimaha ammaanka walaaca Ciidamada Burundi ee la qorsheeyay, in laga Saaro Gobolka Sh Dhexe, waxaana la isku raacay in isku tashi la sameeyo.

Sidoo kale waxaa laga dooday arrimaha Canshuuraadka iyo dakhliyada Hirshabelle, sidii loo mideyn lahaa cashuurta loona horumarin lahaa dhaqaalaha Hirshabelle.

Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoo Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda Hirshabeelle la xiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media