Ra’iisul Wassaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Washington ee dalka Mareykanka,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga la socdo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kamid ah Wasiirka Maaliyadda, Qorsheynta, Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe iyo la Taliyeyaal ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.
Xasan Cali Khayre iyo Wafdigiisa ayaa Magaalada Washington waxa ay kaga qeyb-galayaan shir looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin deyn Cafinta Soomaaliya,kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Bankiga Adduunka iyo IMF.
Ra’iisul Wassaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulamo kala duwan la yeesho hay’adaha Maaliyadda ee caalamiga ah, saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Mareykanka iyo qaybo kale oo kamid ah bah-wadaagta Soomaaliya, si loo dardar-geliyo ajandaha qaran ee dub-u-habaynta hay’adaha dawladda.