Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng; Cabdi Maxamed Sabriye oo kulan la qaatay ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay qorshaha furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, ee loogu diyaar garoobayo dhisamaha Galmudug loo dhanyahay.
Eng; Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in shirka inta uu socdo si wayn looga wada xaajoon doono dhimaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug si dhammaan reer Galmudug ay u helaan adeegyada dowladeed ee ay u baahanyihiin ayna ula tartamaan dowlad gobaleedyada kale ee dalka.
Wasiirka ayaa caddeeyay in wasaaradda arrimaha gudaha ay si caddaalad ah u gudaneyso mas’uuliyadda ka saaran ka Mira dhalinta shirka iyo dhammaan howlaha la xariira dhidibba u taagidda  Galmudug loo dhan yahay.
Arr