Go’aan ka soo baxay hay’adda Duulista Hawada Xukuumadda Somalia ayaa lagu sheegay in amar lagu soo rogay bdiyaaradaha duulimaadka ku taga magaalada Kismaayo.
Hay’adda ayaa sheegtay in diyaaradaha ka dega garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay waajib ku tahay in ay soo maraan garoonka diyaaradaha Aadabn Cadde ee magaalada Muqdisho si loo hubiyo loona koontoroolo diyaarad kasta oo ka degeysa Kismaayo.
Go’aanka ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo saadaasha Hawada Xuykuumadda fedraal;ka Somalia ayaa imaanaya xilli uu taaganyahay khilaaf u dhaxeeya dowladda fedraalka iyo maamulka Jubbaland kaas oo sii xoogaystay wixii ka dambeeyay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee uu ku soo baxaty Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Dhinaca kalana dadka falanqeeya arrimaha Siyaasadda ayaa aaminsan go’aankaan uu saameyn weyn ku yeelan karo caleema saarka madaxweynaha Jubbaland taas oo la qortsheeyay in ay dhacdo 26/9/2019 xilli dowladdu ay sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo.