Sawirro:-Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Waxaa isa soo taraya Khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Qaraxaas ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad ayr oo lagu shaaheyo oo ku taalla ka soo horjeedka Xarun lagu magacaabo Inji oo kamid ah Goobaha uu ku shaqeeyaa Maamulka Galmudug gaar ahaan Hay’addaha amniga maamulkaas.

Ugu yaraan Shan Ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ka mid yahay Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Baraka-Qabe oo ka tirsan Xildhibaanada dowlad Goboleedka Galmudug,kaasi oo la geeyay Isbitaalka ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale dadkii halkaasi ku dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray Haweeneydii laheyd Maqaayada iyo Saddex Carrur oo ay dhashay,kuwaasi ku sugnaa Maqaayada xiliga uu qaraxu dhacayay,isla markaana waxaa  ku dhintay oo kaliya ruuxii Is-qarxiyay oo kaliya.

Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa isku gadaamay uu qaraxu ka dhacay,isla markaana ay ka wadaan baaritaano kala duwan oo la xiriira  qaraxaas ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay halkaas ka wada howlalo shaqo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media