Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ahaa oo daqiiqado kahor ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb,kaasi Jugtiisa siweyn looga maqlay Magaalada.
Qaraxaas ayaa waxaa uu ka dhacay Maqaayad ku taalla Albaabka hore ee Xarunta Madaxtooyadda Dhuusamareeb,halkaasi oo inta badan ay fariisan jireen Mas’uuliyiinta ka tirsan Galmudug iyo Siyaasiyiinta ku dhaqan Magaalada.
Khasaaro dhaawacyo ah ayaa lagu soo waramayaa in qaraxaas uu ka dhashay,isla markaana soo gaaray dad shacab ah iyo xubno kale.
Xildhibaaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa la sheegay inuu mid ahaa dadkii ku dhaawacay qaraxa,kaasi oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiraxmaan Baraka-Qabe.
Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray 3 ruux oo ay ku jirto gabar yar oo shan jir aheyd,kuwaasi oo loola cararay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad eek u yaalla Magaalada Dhuusamaareb.
Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa isku gadaamay uu qaraxu ka dhacay,isla markaana ay ka wadaan baaritaano kala duwan oo la xiriira qaraxaas ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb.
Ilo lagu kalsoonaan karo oo la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in shalay gudaha Dhuusamareeb la isla dhex marayay warar sheegaya in gudaha Magaalada uu jiro qarax,isla markaana heegan buuxa la geliyay Ciidamada amniga.