Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika e Arrimaha Soomaaliya Amb. Nicholas Haysom iyo Francisco Madiera ayaa Magalada Baydhabo waxa ay kulan kula qaateen musharixiinta Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Kulanka oo saacado dheer qaatay ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka iyo in si huufan ay u dhacdo 17 bisha soo socota ee November Sanadkan 2018 doorashada Koonfur Galbeed.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa musharixiinta oo gaarayay 7 Musharax oo mid ka mid ah ay haweeney tahay in Maamulka Koonfur Galbeed uu yahay qeyb ka mid ah hanaanka xasilinta dalka.
Wakiilka Midowga Afrika Amb. Francisco Madiera ayaa dhinaciisa u sheegay musharixiinta in AMISOM ay ka qyeb qaadan doonto xaqiijinta dhinaca Amniga inta ay socoto doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika e Arrimaha Soomaaliya Amb. Nicholas Haysom iyo Francisco Madiera ayaa shalay waxa ay si gaar ah ula kulmeen Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan,iyaga oo kala hadlay xalinta khilaafka dowladda iyo dowlad Goboleedyada.